Askarigaan la dilay ayaa waxa uu ka mid ahaa ilaalada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci),waxaana askarigaas lagu Magacaabi jiray Cabdi Xooshoow.
Kooxo ku hubeysnaa bustoolado,isla markaana watay mooto ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay askariga dhowr Xabadood kaga dhufteen qeybaha Sare ee jirkiisa xilli uu ku sugnaa goob Ganacsi oo ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Wadajir,isla markaana dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Digfeer oo uu ku geeriyooday.
Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in raggi ka dambeeyey dillaas ee watay mootada durba ay baxsadeen,hayeeshee goobta uu dilka ka dhacay ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgal ay halkaasi ka sameeyeen.
Dilalka loo geysanayo askarta ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa marwalba waxa ay ka dhacaan Muqdisho iyo duleedkeeda,waxaana dilka ka dhacay degmada Wadajir uu ku soo aadayaa xilli Maanta Tabeelaha Sheekh Ibraahim lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.