Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xalay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir dil ugu geystay Askari hubeysan oo dhac u geystay dad shacab ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga uu markii hore dhaca ugu geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Raadeelka ee Deyniile, isla markaana uu ka qaatay taleefoono gacanta oo ay wateen xiligaas.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka degmada Deyniile ayaa la sheegay inay falka kadib ay baadi goob u galeen helista Askariga dhaca u geystay dhalinyarada, iyagoona ku toogtay xaafada Siisii ee degmadaas, xili uu halkaas ku sugnaa.
Intaas kadib Ciidanka Booliska ayaa ka qaatay Askariga ay dileen qori AK-47 iyo moobeeladii uu soo dhacay, waxaana la tilmaamay in Askariga la dilay uu ku lebisnaa dharka Ciidanaka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Meydka Ninka la toogtay ay la wareegtay CID-da, iyagoona Ciidanka Booliska u sheegay CID-da in Askariga la dilay uu dhac u geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Raadeelka ee Deyniile.
Degmooyinka qaarkood ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah ay rag hubeysan dhac ugu geystaan dadka shacabka ah, waxaana dhowr jeer Ciidanka Booliska ey Muqdisho ku dileen rag hubeysan oo dad dhacay, kuwo kalena qabtay.