Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada guud ee Askartaas is-toogtay, iyadoo wararka Loo-qaateenka ah muujinayso inay is-dileen 2 ilaa 4 Askar u dhalatay dalka Uganda.
Taliska Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daad-gureeyey Somalia uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga is-dilin.
Ilo-wareed ku sugan magaalladda Muqdisho waxay mar sii horreysay u sheegeen Wargeyska Maalinlaha ee The Monitor ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala in Askariga dilka geystay uu ka carooday Sarkaalka Horjoogaha ama Kormeeraha u ahaa, iyadoo tirada guud ee Askarta lagu dilay shilkii dhacay maalintii Sabtida ay gaarayaan 4 Askari oo u dhashay dalka Uganda.
Dhinaca kale, Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF, Richard Karemire ayaa sheegay in labo Askari oo keliya ku geeriyootay Toogashadaasi, isla markaana ay Baarayaasha ku hawlan yihiin sidii lagu ogaan lahaa waxa sababay dilkaasi.
“Weli ma cadda waxa sababay dilka, waxaana doonaynaa inaan ogaano haddii Askariga dilka geystay uu ahaa shaqsi waalan iyo in kale†ayuu yiri Afhayeenka oo khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska Maalinlaha ee Daily Monitor.
Weli lama shaacinin magacyadda iyo Aqoonsiga Askariga iyo Sarkaalka ku geeriyooday dhacdadaasi.
Toogashaddaas ka dhex dhacday Ciiddanka Uganda ee ku sugan Xaruntooda Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ayaa ah tii ugu horreysay ee ay isku geystaan Ciiddanka Uganda oo iyagu ah ciiddanka ugu tirada badan ee Hawlgalka AMISOM.
Khubarada Milliteriga ayaa tilmaamay inuusan Ciiddanka Uganda fal ku cusub ku ahayn dilalka noocaas ah, iyadoo Sannadkii 2016-kii, Askari lagu magacaabo Saddex Alifle Isaaq Obua waxa uu si saf-mar ah u toogtay 7 ka tirsan Ciiddankii ay ka wada hadl-geli jireen Xero ay boliska sida Milliteriga u tababaran ku leeyihiin Deegaanka Makindye ee dalka Uganda.
Sidoo kale, sannadkii 20113-kii, Dable Patrick Odoch waxa uu 11-qof ku dilay meel ku dhow Xarumaha Dhexe ee Ciiddanka Ugnada ee Bombp, waxaana Askarigaasi lagu xukumay xabsi 90-sanno ah.