Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka ee The Pentagonka, Gaashaanle Ben Sakrisson ayaa sheegay inay 33 Askari, oo ay ku jirto Haweeney Xaamilo ah ay qaadeen Cuddurka Zika ee laga qaado qaniinyadda Kaneecadda.
Afhayeenka ma sheegin meesha rasmiga ee Ciiddankaasi ku haleelay cuddurka Zika, balse waxaa la rumeysan yahay inay ka soo qaadeen dalal kale oo ka baxsan Maraykanka.
Bishii Meey 18-dii ee sannadkan, waxaa Cuddurka Zika laga helay 544 qof oo Maraykan ah oo 157 ka mid ahaayeen Haween xaamilo ah.
Dhinaca kale, Cuddurka Zika waxa sannadkii hore laga helay dalka Brazil, kadibna waxa uu ku faafay in ka badan 30 Waddan.
©Radio Dalsan