Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Raashiya ayaa lagu sheegay in 2 Askari geeriyootay, mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib, markii uu ku habsaday Hoobiye.
Wakaalldda Wararka Raashiya ee RIA News Agency ayaa sheegtay in Askartaasi lala soo beegsaday Duqeyn Hoobiyayaal ah, xilli ay la socdeen La-taliye Milliteri oo Raashiyaan ah iyo Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Syria oo Tababar la siinayey.
Faahfahin lagama bixinin Deegaanka lagu weeraray Ciiddankaasi iyo khasaaraha kale ee ka dhashay Duqeyntaasi.
Mar sii horreysay Wasaaradda Difaaca Raashiya waxay sheegtay in Hal Askari lagu dilay meel ku dhow magalladda Palmyra kadib, markii ay Kooxda Daacish isku dayeen inay soo jabsadaan Deegaan ay Maleeshiyadda taageersan Ciiddanka Syria ku sugnaayeen.
Jeneral Raashiyaan ayaa isagana labadii lugood iyo hal il ku waayey, kadib, markii ay miino nooca la hago lala eegtay Kolonyo Ciiddan Raashiyaan oo ku sugnaa Saldhig Ciiddanka Cirka oo ku yaalla magaalladda Homs ee Glbeedka magaalladda Palmyra.
27 Askari oo Raashiyaan ah ayaa lagu dilay dagaalladda ka socda dalka Syria tan iyo bishii September ee sannadkii 2015-kii.
©Radio Dalsan