3 Askar Kenyan ayaa geeriyootay, dhowr kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu shalay gaari Milliteri kula qalibmay Jidka isku xira Ceel-waak, Kotula iyo Wajeer ee Mandera.
Taliye-xigeenka Koonfurta Mandera, Daniel Bundotich ayaa u sheegay Wargeyska NATION inay Ciiddankaasi la socdeen Kolonyo 3 gaari oo ka yimid Degmadda Wajeer, kuna sii jeeday Mandera.
Waxa uu beeniyey inay miino la kacday Gaarigaasi ama ay Alshabaab jidka u galeen, balse waxa uu xaqiijiyey in maydadka iyo dhaawaca loo duuliyey Nairobi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay 7 Askari ku dhaawacmeen Shil gaari oo Abaarihii 10-kii Barqanimo ee shalay ka dhacay Mandera.
Inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka hawl-gala Waddada isku xirta Garissa iyo Mandera, waxaana dhowr jeer halkaasi lagu dilay, laguan dhaawacay Askar Kenyan ah, iyadoo gaadiidka rayidka laga mamnuucay inay Jidkaasi adeegsadaan.