Ciiddamadaasi oo dib ugu laabanaya dalkooda Hooyo ayaa la siiyey Abaalmarintaasi kaalinta ay ka qaateen Taageerida Hawlgalladda Nabadda ee Geeska Afrika.
Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 18-aad ee Askarta Uganda waxaa Abaalmarintaasi u wda xiray Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira.
Waxa uu Dowladda Uganda uga mahad celiyey Ciiddamadda ay u soo daad-gureeyeen Somalia 10-kii sanno ee la soo dhaafay si ay taageero uga geystaan Deganaanshaha omalia.
Uganda waxaa haatan Somalia ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo ay hawshooda tahay Ilaalinta Hay’addaha Dowladda ee muhiimka ah oo ay ku jiraan Madaxtooyadda, Xarunta Barlamaanka, Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho.
©Radio Dalsan