Wararka aan ka heleyno duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqanimadii Maanta halkaas uu ka dhacay weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.
Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarkaas ku qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana halkaas lagu dilay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka.
Intaas kadib ragii weerarka qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana daqiiqado kadib goobta laga soo qaaday Meydadka Askata, iyadoona la soo sheegayo in goobta uu falka ka dhacay ay howlgal ka wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay duleedka Degmada Balcad, iyagoona sheetay inay dileen laba Askari, sidoo kalena ay horey u qaateen 2 qori Ak47.
Al-shabaab ayaa mararka qaarkood weeraro toos ah ku qaada Saldhigyada Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin duleedka Balcad, waxaana xusid mudan in dhowr jeer weeraro halkaas ka dhacay lagu dilay Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.