Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacay weerar lagu dilay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Weerarka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Bar Koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowladda oo ku taalla Degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan laba Askari oo ka tirsan dowladda ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka, halka Askari kalena dhaawac uu soo gaaray, kaasi oo goobta uu weerarka ka dhacay laga soo qaaday.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Awdheegle, iyagoona sheegay in halkaas ay ku dileen laba Askari mid kalena ay ku dhaawaceen.
Al-shabaab ayaa weeraro iyo Qaraxyo xiliyada qaarkood ka fuliya Saldhigyo ay deegaano ka tirsan Gobolada dalka ku leeyihiin Ciidamaada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.