Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar barqanimadii Maanta lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo kusii jeeday Magaalada Jowhar.
Weerarka oo ahaa mid dhaba-gal ah ayaa waxaa Ciidanka dowladda lagula eegtay xili ay marayeen Wadada laamiga ah ee u dhexeeysa deegaanka Qalimoow iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Ciidanka dowladda ee Maanta dhacay, waxaana Mas’uuliyada weerarkas sheegtay Al-shabaab.
War qoraal ah oo Al-shabaab ay ku qoreen barahooda Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarka ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwaasi oo ay tilmaameen oo sahay ugelbinayeen Ciidamada Burundi.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in qarax miino lagu burburiyay gaari booyad ah oo shidaal siday, ciidamadan weerarada iyo qaraxyada lakulmayna ayaa saad waxaa ay u ugelbinayeen Ciidamo Burundi oo ku sugan Jowhar.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolka Sh/Dhexe oo ay uga hadlayaan weerarkii dhacay, waxaana weerarkaas uu kusoo aadayaa, iyadoo shalay halkaas lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle.