Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo weerar isugu jiray dil iyo dhaawac xalay saqdii dhexe loogu geystay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Wararkan ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda,kadib markii uu Wadada u galay Ciidanka Booliska ahaa xili ay ku sugnaayeen Isgoyska Sanca.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in weerarka uu ku dhintay hal askari,halka laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Dhaawaca soo gaaray askarta ayaa waxaa loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho.
Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska Soomaaliya uu laba jeer iska horimaad sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac uu ku dhexmaray gudaha Magaalada Muqdisho,iyadoona ay xusid mudan tahay in Taliyaha Booliska Genaraal Bashiir Maxamed Cabdi Ameerika uu sheega in falalkaas loo xiray Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka dowladda.