Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun dil ah oo horay loogu riday Askar ku fulisay saaka, waxaana xubhnaha la toogtay ay horay u dileen Askar ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud waxa uu hore u Dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen.
Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna Boliiska ahaa waxa uu Dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.
Subaxan ayaa laga wada Oofiyay xadkii Qasaasta ah ee lagu xukumay Cabdi Shakuur iyo Cabdi Jamaal.