Gabadhaasi oo magaceeda lagu sheegay Abiir Macallim ayaa waxay Cilmiga Kalkaalisenimo (Nursing Student) ka barataa Kolejka lagu magacaabo “The Columbus State Community College “ oo ku yaalla Gobalka Ohaayo.
Muuqeeda ayaa la sheegay in la waayey maalintii Axadda ee la soo dhaafay (Bishii December 30-dii), xilligaasi oo ay iyada iyo waalidkeeda ka cunteynayeen Baar lagu magacaabo Quruxlow oo ku yaalla magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee Maraykanka.
Gabadhaasi ayaa la sheegay in la waayey xilli ay aaday Qolka Nasashadda, balse dib uma soo laabanin xilligaasi.
Waxaa la sheegay inaysan wadanin Telefoon-gacmeed, qofna lama soconin, tan iyo xilligaasina waxaa adkayd in iyada lala xiriiro.
Sawirka iyo magaca Gabadha ayaa lagu baahiyey qaar ka mid ah Warbaahinadda Maraykanka, iyadoo Boliska magaalladda Minneapolis sheegay in qofkii xog ka keena gabadhaasi la la’aa lagu abaalmarin dhan 5,000 oo Dollar.
Wargeyska lagu magacaabo (Bring Me The News) aya qoray in Gabadhaasi oo 22-jir ah ugu dambayntii laga helay Gobalka Ohio iyadoo bad-qabta.
Dhinaca kale, Warar horey u soo baxay ayaa waxay sheegeen in Gabadha ay raacday Rag dadka u tashkiiliya Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.
Xigasho: Bring Me The News