Maxkamadda Bromley magistrates’ court ee magaalladda London ayaa amartay in Xabsiga lagu sii waayo Wiil Somali oo 16-jir ah, kaasi oo dhawaan dilay Wiil kale.
Marxuumka la dilay oo la oran jirey  Usama Ali ayaa waxaa la sheegay inuu u soo ambabixi lahaa dalka Masar, si uu ugu soo dhamaysto Waxbarashadiisa.
Hooyadda dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Sacdiya Barre ayaa sheegtay in Wiilkeeda uu u geeriyooday Toorey Wadnaha loogu dhuftay, xilli uu ku sugnaa Galbeedka magaalladda London.
Hooyadda waxay sheegtay inuu Wiilkeeda u ambabixi lahaa magaalladda Qaahira, balse si lama filaan loo dilay.
Waxay kaloo sheegtay inaysan ku sii noolaan Karin magaalladda London oo noqoto magaallo aad u khatar badan.
Dhinaca kale, dilka Mraxuumkaasi waa Falkii 15-aad oo dhallintarro Soomaaliyeed sannadkan lagu dilay London.
© Radio Dalsan