Ilaa hal million oo Arday u dhalatay dalka Hindiya ayaa waxay galeen Imtixaanaadka bilihii Feberaayo iyo March ee la soo dhaafay, iyadoo 350,000 oo Arday ku dhaceen Imtixaanaadkooda.
Ilaa 20 Arday oo niyad-jab ka qaaday Natiijadda ay ka keeneen Imtixaanaadka oo la shaaciyey isbuucii hore ayaa la sheegay in is-dileen.
Dhacdadii ugu dambaysay ayaa ahayd Gabar Ardayad ahayd oo malaintii Sabtidii ee la soo dhaafay isku dishay Degmadda Telangara ee dalkaasi.
Gabadhaasi oo 17-jir ahayd ayaa la sheegay inay dab isku ololisay gudaha Degmadda Narayanpet oo 160 KM u jirta magaalladda Haydarabaad.
Gabadhaasi oo magaceeda lagu soo koobay Sirisha ayaa la sheegay inay Istarees ka qaaday, kadib, markii ay ku dhacday mid ka mid ah Imtixaanaadka Fasalka 12-aad ee Dugsiyadda Sare.
Gabar kale oo ka mid ah ardaydii ku dhacday Imtixaanaadka oo lagu magacaabi jirey Akrapu Mithi ayaa la sheegay inay isku daldashay Tuulladda Naginenipally ee Gobalka Telengana ee dalkaasi.
Gabadhaasi oo 19-jir ayaa la sheegay inay xarig qoorta gashay, kadibna iska laalaadisay saqafka gurigeeda.
Xaalladda is-dilka ee Ardayda ayaa sii kordhayso, waxaana lagu baaqay in dib loo eego Natiijadda Imtixaanaadka ee dhamaan Ardayda ku dhacday Imtixaanaadkaasi.