Guddoomiyaha  Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo xeerka habraaca maareynta Maaliyadda la sheegay in wax laga baddalay.
Waxaa uu shheegay guddoomiyuhu in ay jiraan waxyaabo la isdaba mariyay, waxaana uu sheegay in Golaha shacabka ay wax ka baddal ku sameeyeen qodobka 27aad ee xeerka maareynta Maaliyadda dalka.
Waxaa muuqata in uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeyay labada aqal ee Baarlamanka federaalka, iyadoo horay ay usoo baxayeen wararnhoose oo sheegayay in uu jiro khilaaf soo kala dhex galay Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaliya.
Hoose ka Aqriso Warqadda Guddoomiyaha