Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain ayaa sheegtay  inuu go’aanka Dowladda Kenya xadgudub ku yahay Sharciyadda Caalamiga,isla markaana ay khatra r ka dhalan karto haddii la soo celiyo Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeradda Dhadhaab.
“In awood lagu celiyo Qaxootiga Soomaalida, waxay khatar gelin kartaa noloshooda iyo inay Qaxootiga u gacan galaan Alshabaab†ayaa lagu yiri Qoraal ay Hay’adda soo saartay, oo walaac looga muujiyey aayaha 350,000 Qaxooti Soomaali ah.
Hay’adda waxay ku boorisay Dowladda Kenya inay dib u eegaan Go’aankooda, isla markaana ay qaadaan mas’uuliyadda ammaanka dadka ku nool xuduudahooda.
Dhinaca kale, Hay’adda Amnesty International, waxay sheegtay inaysan Dowladda Federalka Somalia gacanta ku haynin qeybo badan oo ka mid ah Goballadda Somalia.
Sidoo kale, Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegay inay xad-dugub noqon doonto haddii ay Dowladda Kenya si khasab ah ku celiyaan Qaxootiga Soomaalida oo ay dhici karto inay khatar galaan haddii lagu soo celiyo gudaha dalkooda hooyo.