Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin ay kaga hadleen Xeelladaha been abuurka ee ay Dowladda Kenya u adeegsanayso si loo xiro Xeradda Dhadhaab iyo in Qaxootiga Soomaalida dib loogu celiyo dalkooda hooyo.
Xafiiska Amnesty International ee Nairobi ayaa sheegay in Dowladda Kenya dib u soo celisay Ololihii ka dhanka ahaa Qaxootiga, isla markaana bilaabeen Ololaha Borobogaandada si khasab loogu xero Xeradda Dhadhaab oo ku taalla W/bari ee dalkaasi.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Dowladda Kenya ku eedeynayso Qaxootiga xeradda Dhadhaab inay Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso ka wadaan gudaha Kenya.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Saraakiisha Dowladda Kenya u sheegeen Qaxootiga Dhadhaab inay dib ugu laabtaan Somalia, haddii kale laga jari doono Taageeradda Dhaqaale ee Qaxootiga la siiyo oo dhan 40,000 oo Shillinka Kenya.
“Laga soo bilaabo bishii October waxaa Somalia dib loogu celiyey 27,000 oo Qaxooti Somali, balse waxay Amnesty International is-weydiinayaan in la ifiyo cadaadiska Qaxootiga looga keenay Dhadhaab†ayaa lagu yiri Warbixintaasi.
Dhinaca kale, Agaasime-gobaleedka amnesty International ee Bariga Afrika, Muthoni Wanyeki ayaa sheegay in Khasab ku-celinta Qaxootiga Soomaalida ka hor imaanayso Xeerarka Calaamiga.
Bilowgii bishan ayey Maxkamadda Sare ee Kenya waxay laashay qorshe ay Dowladda Kenya ku xiri lahayd Xeradda Dhaadhaab.
©Radio Dalsan
Â