Boliska Kenya ayaa la sheegay inay adkeeyeen Ammaanka dhamaan Kontorooladda laga soo galo Xuduudaha Kenya, iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan Weeraro Argagixiso oo la mid ah kuwii ka dhacay caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Saraakiil Bolis oo badan ayaana shalay la dhigay Xaruumaha Dukaamaysiga ee ugu weyn Nairobi, Kaniisadaha iyo Goobaha kale ee ay dadka badan isugu yimaadaan.
Saraakiil dhinaca Ammaanka oo la hadlay Wargeyska The Standard ayaa sheegay in Ciiddanka la geliyey Heegan Buuxa, kadib,Weerarkii Paris oo lagu dilay 129-qof.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in Tallaabadda lagu adkeynayo Ammaanka muujinayso inay weli rumeysan yihiin Cabsida la xiriirta weeraro lagu soo qaado Kenya.
Xarakadda Alshabaab ayaa waxay horey weeraro uga geysteen gudaha dalka Kenya, waxaana ka mid ah weeraradii lagu qaado Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall iyo Jamaacadda Garissa.
Alshabaab waxay sheegeen inay wadi doonaan weeraradda ay ka fuliyaan gudaha Kenya inta ay Ciiddankooda ku sugan yihiin gudaha Somalia.