Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada kala duwan ee maamulka Galmudug.
Shirka oo lagu weday in uu furmo shalay oo taariikhdu aheyd 4/9/2019 ayaa dib u dhacay,arrintaas oo ay dowladdu u sababeysay in ay aheyd cilad farsamo in kasta oo maanta shirka uu furmayo.
Waxaa la diyaariyay howlkii shirku ka furmi lahaa iyada oo saacadaha soo aaddan uu si toos ah u furmayo shirku sida uu ku soo waramayo weriyaha dalsan ee magaalada Dhuusa-Mareeb,dhinaca kalabna waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalkada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu furo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.