Taliska Hawlgalka AMISOM waxay si kulul u cambaaareeyeen Weerarkii ay Alshaabaab maanta ku qaadeen Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka Somalia.
Hadal-qoraal oo ay AMISOM soo dhigeen Bartooda Twitter-ka waxay ku muujiyeen inay si xooggan u cambaaraynayaan weerarkii saakayto lagu qaaday Dhismaha Wasaaradad Arrimaha Gudaha ee magaalladda Muqdisho.
Twitter-ka AMISOM ee @amisomsomalia waxa kaloo lagu xusay inay u tacsideynayaan dhamaan Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi, waxayna dhanka kale caafimaad u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay weerarkii iyo Qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalladda Muqdisho.