Madaxweynaha dalka Masar C/Fataax El-Sisi ayaa waxaa lagu casuumay inuu booqasho ku tago caasimadda dalka Qatar ee Dooxa.
Hadal ka soo baxay Madaxtooyada Masaarida ayaa lagu sheegay in Madaxweyne El-Sisi uu dhambaalka Casuumaadda ka helay Amiirka dalkaasi, Tamiim Bin Xamad Al-Thani.
Ku-xigeenka RW dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sheekh Maxamed Bin C/Raxmaan Al-Thani ayaa waxa uu Qoraalka casuumaadda gaarsiiyey Madaxweynaha Masar oo ay shalay ku kulmeen Qasriga Al-Taxriir ee magaalladda Qaahira.
Booqashadaasi oo aan la shaacinin xilliga ay dhici doonto ayaa waxay ku soo beegantay, iyadoo ay labada Dowladood ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa Xiriirkooda oo go’naa tan iyo sanadkii 20117-kii.
Madaweyne El-Sisi ayaa waxaa uu ka codsaday Diplomasiga Sare ee Qatar inuu Salaan diiran ka gaarsiiyo Amiir Tamiim, wuxuuna soo dhaweeyey Bogga cusub ee u furmay Xiriirka labada dal.
Madaxweyne El-Sisi ayaa waxaa kaloo uu sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan Ahdaafta iyo Danaha labadooda dal iyo Badbaadinta Ammaanka Qaranka Carbeed.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Masr, Samiix Shukri, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Masar, Cabaas Kaamil iyo Madaxa Amniga Dowladda Qatar, C/llaahi Al-Khaliifa.