Amiirka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani waxa u ushalay casuumaad ka helay Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis, si uu uga qeyb galo Shirka Degdegga ee ay Madxada Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Gacanka Carbeed ee GCC bishan May 30-da ku yeelan doonaan magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama.
Wakaalladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Farriinta Sacuudiga loo soo dhiibay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carbeed ee GCC, Cabdul-ladiif Bin Rashiid Al-zayaani, kaasi oo shalay booqasho ku tegay caasimadda dalka Qatar ee Doha.
Dhambaalkaasi waxaa loo dhiibay Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka dalka Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani.
Ma kala cadda inuu Amiirka Qatar aqbali doono casuumaadda Boqor Salmaan, iyadoo uu Amiirka Qatar horey uga biyo-diiday Casuumaad hore oo uu Boqorka Sacuudiga ku casuumay Shirkii 39-aad ee Madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka oo bishii December 7-dii ee sannadkii hore lagu qabtay Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.
Bishii June ee sannadkii 2007-dii, waxay Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Barxayn iyo Masar si wadajir ah xiriirkii Diplomaasiyadeed ugu jareen dalka Qatar, oo ay ku eedeeyeen inay maalgeliso Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, inkastoo ay Dowladda Qatar had iyo jeer beeniso Eedeymahaasi.
Tan iyo xilligaasi, Dowladahaasi waxay Qatar ku soo rogeen cunaqabatayn ilaa haatan saaran.