Danjiraha Somalia u fadhiya Sacuudiga, Ambassador Daahir Maxamuud Geelle waxa uu shalay Waraaqihiisa Aqoonsiga ee Danjirenimo u gudbiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Boqortooyadda Baxrayn, Sheekh Khaalidd Bin Axmed Bin Maxamed Alkhaliifa.
Wakaalladda Wararka u faafisa dalka Baxrayn ee Bahrain News Agency (BNA) oo Warkan baahisay ayaa sheegtay inay Wasiirka iyo Danjiraha ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan iyo Arrimaha ka taagan Dunida Carabta.
Ambassador Daahir Maxamnuue Geelle oo Fadhigiisa Dhexe ku yaallo Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono Xoojinta Xiriirka Walaaltinimo iyo Danaha Wadajirka ee Somalia iyo  Boqortooyadda Baxrayn.
©Radio Dalsan