Booliska Magalada Kismaayo ayaa Maanta soo saaray Amar Cusub oo lagu sugayo Amniga Magalada,isla markaana cidii ka hor-timaada tallaabo laga qaadi doono.
Ammarada ayaa waxa ay ka kooban yihiin dhowr qodob kuwaas oo kala ah.
1: In aan Guud ahaan Magalada Kismaayo aan wax hub ah lala dhex mari karin marka laga reebo ciidan ku jira shaqo la ogyahay.
2: Gaadiid tirada badan oo marararka qaar aroosyada lagu qaado ayaa la sheegay in aan la ogolaan doonon,kadib markii ciriiri farabadan ay keeneen.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubban Jaamac Axmed Xasan oo amaradaan Warbaahinta u Akhriyay ayaa Shacabka faray inay u hoggaansamaan.
Si kastaba Booliska Magalada Kismaayo iyo laamaha Amniga Jubbaland ayaa dhowr mar amaro soo saaray kuwaas oo aan weli dhaqan gelin.