Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay shir looga hadlaayay amniga Caasimadda, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Cali Daahir Ciid.
Kulanka ayaa intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray howlaha sugida amniga Dhuusamareeb, xaaladda guud ee deegaanada Maamulka iyo sidii loo dardar-gelin lahaa amniga, si looga hortego falal amni darro.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amar kusoo rogay Ciidamada kala duwan ee ka hawlagala Caasimadda maamulka, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in la fuliyo amarkaas.
Cali Daahir ayaa Ciidanka ku amray in Askari dharcad ah oo xogo sirdoon looga baahan yahay uusan gudaha Magaalada ku dhex qaadan kari qori iyo in Ciidanka amniga aysan saameyn karin falal lagu dhibaateynayo shacabka sida in rasaas lagu rido shacabka.
Kulanka looga hadlaayay amniga ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyayaasha Booliska, Nabadsugidda, Â Guddoomiyaha amniga Caasimadda iyo Saraakiil kale.