Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay abaarihii 04:00 habeenimo ee Oogtii hore ee saakayto weerar qorsheysan ku qaadeen Xeradda Boliska Maamulka (Administration Police) ee Deegaanka Arabia oo 100-KM u jirta Degmadda Mandera.
Alshabaab waxay kaloo weerarkaasi ku burburiyeen Taawerka  Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ku lahayd Deegaankaasi, waxayna taasi oo sababtay inuu go’o Khadkii Isgaarsiinta ee ay ku wada xiriiri jireen Saraakiisha Boliska Kenya iyo Askartii joogtay Rugta Maamulka Boliska ee la weeraray.
Dagaaalamayaasha Alshabaab waxay kaloo gubeen Gaari ay Boliska Kenya leeyihiin oo ku sugnaa Rugta Boliska ee la weeraray.
Taliyaha Gobalka W/bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa sheegay inay Koox Gurmad ah u direen Deegaanka Arabia, si ay u soo qeiimeeyaan Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Alshabaab.
Waxa uu tilmaamay inaysan jirin wax xiriir Isgaarsiin oo ay la yeesheen Saraakiisha joogta Deegaanka la weeraray.
Dhinaca kale, Weerarka ay Alshabaab maanta ka fuliyeen gudaha Kenya ayaa ah kii Labaad ee ay isbuucan geystaan.
Jimcihii la soo dhaafay, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhig ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/hoose.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay 68-Askari oo Kenyan ah, waxaana la gubay Gaadiid badan oo ay ku jireen Gawaarida Gaashaman iyo kuwa kale ee Ciiddanka lagu daad-gureeyo.
Bishii la soo dhaafay, Weerar ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Banki iyo Hotel ku yaalla Degmadda Mandera ayaa lagu Askari ka tirsan Ciiddanka Kaydka Boliska Kenya oo ilaalo ka ah Bangiga la weeraray.
©Radio Dalsan