Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Alshabaab saakay halkaasi ay ku toogteen askari ka tirsanaa cidankooda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Shire.
Dilka askarigaasi ayaa yimid, kadib markii looga shakiyey inuu isku soo dhiibi rabay ciidanka dowladda Soomaaliya, sidaasina Alshabaab ay ku toogteen.
Ciidanka Alshabaab ayaa la sheegay in C/laahi Cali Shire ay ku dileen deegaanka Ceelcade oo qiyaastii 60-KM u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Dadka deegaanka ayaa dilka askarigaas u xaqiijeyey warbaahinta, manajiro ilaa hada war ka soo baxay Alshabaab oo la xariira toogashadaasi.