Afhayeenka Hawlgalladda Milliteri ee Xarakadda Alshabaab, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay Dagaalyahanadda Alshabaab ka dambeeyeen Hawlgalkii xalay lagu qaaday Hotel ku yaalla Mandera.
Afhayeenka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Hawlgalkaasi lagu dilay 15 qof oo aan Muslim ahayn.
Dhinaca kale, Afhayeenka Dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa cambaareeyey Weerarkaasi, wuxuuna sheegay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay, lana burburiyey qeyb ka mid ah Hoteelka la weeraray, waa sida uu haadalka u yiri.
Xiriiriyaha W/bari Kenya, Maxamuud Saalax ayaa isagana sheegay in Alshabaabka weerarka geystay ku labisnaayeen Dharka Ciiddanka Kenya, isla markaana ay weerarkaasi kadib ka gudbeen Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.
Dhinaca kale, Isbitaalka Mandera ayaa la gaarsiiyey 6 qof oo ku dhaawacantay Weerarkaasi, waxaana laga dayrinayaa xaalladda labo ka mid ah dadka dhaawacmay
Waa weerarkii Labaad oo ay Alshabaab wax ka yar hal bil ah ka geystaan Mandera.
Bilowgii bishan, Alshabaab waxay 6 qof oo aan Muslim ahayn ku dileen Xaafadda Buulo Obliko ee Mandera.
©Radio Dalsan