Wararka naga soo gaarayo gobolka Shabeellaha hoose, gaar ahaan deegaan xeebeedka Gendershe ayaa ku waramaya inay isaga bexeen ciidankii Alshabaab, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Alshabaab ay gudaha ay u galeen deegaanka Jilib Marka ee isla gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo ku badan yihiin beeraha.
Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaad ka wada gobolkaas, kaasi oo ka dhan ah Alshabaab, waxaana saraakiisha ciidankaasi ay sheegeen inay duulaan ku yihiin Alshabaab, si ay uga saaraan deegaanada gobolkaas.