Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay Alshabaab dileen 3 Kenyan oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo lagu helay inay Basaasiin ahaayeen, waa sida uu argeysku qoray.
Wargeyska The Standard ayaa sheegay inay 3 Dagaalyahano Kenyan bishan September 10-dii lagu dilay Degmadda Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe, kadib, markii lagu soo oogay inay basaas u ahaayeen Hay’addaha Ammaanka ee Kenya.
Magacyadda Kenyanka lagu dilay Degmadda Jilib waxaa lagu kala sheegay C/llaahi Talaal Muusa, Jareed Mukayo Omambiya iyo Haashim Cusmaan Selal