Wararka aynu ka heleyno gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa ku waramaya inay la wareegeen ciidamo katirsan Ashabaab, kadib weerar ay ku qaadeen deegaankaas.
Dagaal culus ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka, una dhaxeeyey ciidamada maamulka Koonfur galbeed,kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Alshabaab, kaasi oo qaatay saacado, islamarkaana dadka deegaanka ay sheegeen in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Radio Dalsan u Xaqiijiyey inay la wareegen Alshabaab deegaanka Goof-gaduud, oo saakay ay duulaan ku qaadeen, kaasi oo 30-KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed oo ku aadan dagaalkaas, hayeshee qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacyo loo soo qaaday isbitaalada magaalada Baydhabo.