Kooxda Nusra Front ee xiriirka la leh Alqaacidada ka dagalaanta dalka Syria waxay maanta soo bandhigeen Muuqaalka Saxafigaasi oo lagu magacaabo Jumpei Yasuda, kaasi oo ay ka qafaasheen bishii June ee sannadkii hore.
Barta Facebook ayaa la soo dhigay Saxafigaasi oo uu garku ku baxay, isla markaana la hadlayo qoyskiisa oo uu u sheegay inuu tebayo.
Muuqaalkaasi oo muddo 1 daqiiqo ahaa ayaa waxa Saxafiga ka muuqatay deganaansho, wuxuuna xusay inay bishan 16-dii ku beegan tahay  maalintii uu dhashay.
Warbaahinta dalka Japan waxay sheegtay in Saxafigaasi ay Maleeshiyadda Alnusra Front qabsadeen bishii June, xilli uu Syria ka soo galay dhinaca dalka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Japan, Fumiyo Kishida waxa uu tilmaamay inay ku soo baraarugeen Muuqaalkaasi, balse ay weli ku hawlan yihiin sidii ay u ururin lahaayeen xog ku aadan arrintaasi.
©Radio Dalsan