Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada dhexe waxaa ay xukun kula fuliyeen Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu fal kufsi ah u geystay Gabar kamid ah dadka deegaanka Bu’aale.
Al-shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu keentay Goobtaas iyaga oo daawanayay xukun Karbaash ahaa oo lagu fuliyay Max’med Aadan Aboogeey oo kufsaday gabadha, isagoo horey aan wax guur ah u soo marin.
Maxamed Aboogeey ayaa lagu fuliyay xukun ah 100 Karbaash, wuxuuna falka kufsiga ah u geystay gabar 14 sana jir ah oo lagu magacaabo Shamso Maxamuud Xasan, waxaana Ninkaas dacweeyay Aabe la sheegay inuu dhalay gabadha oo lagu magacaabo Max’uud Xasan.
“Maxamed Aboogeey waxaa laga qaaday lacag dhan 500 oo dollar ah oo ah wax loogu yeeray xad-gudubka jirka Gabadha uu kufsaday, 5 neef Lo’ ah oo ah maharka gabadha, iyo hal sano oo masaafuris ah †ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay baraha Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa dhowr ah xukumo noocaan ah ka fulisay deegaanada Gobolada dalka ay kaga sugan yihiin.