Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay xukun dil toogasho ah ku fuliyeen 5 ruux oo ay ku eedeeyeen in ay la Shaqeynayeen dowladda Soomaaliya Iyo Itoobiya.
Shanta Ruux oo dhamaantood rag ahaa ayaa Goobta xukunka dilka toogashada ay ka dhaceysay waxa ay isugu keeneen boqolaal ka mid ah Shacabka Kuntuwaareey kuwaas oo daawanayay qaabka uu dilka u dhacayay.
Hoos Ka Akhriso Magacyada 5 ruux oo ay AlShabaab toogteen.
1:-C/qaadir Cumar Xasan oo 23 Sano jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Maamulka degmada Qoryooleey.
2:-C/Qaadir Shukri Xasan 30 jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Soomaaliya.
3:-Muxumed Abshir Cali 35 Sano jir ah oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolada Koonfur Galbeed qaarkood.
4:- Cali Yuusuf Axmed 36 Sano jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay dowladda Kenya.
5:-Cali Axmed Sheekh oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.
Horay ayaa Al-Shabaab sidaan oo kale waxa ay u toogteen dad ay ku eedeeyeen la Shaqeynta Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.