Al-Shabaab ayaa gebi ahaanba xiray Garoomadii lagu ciyari jiray Kubada Cagta ee ku yaalla deegaanada kala ah Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo deegaano kale kadib amar ay soo saareen.
Milkiilayaasha qaarkood oo la hadlay Dalsan ayaa waxa ay sheegeen in amarka lagu xiray Garoomada Kubbada Cagta uu soo bsxay kadib markii ay Al-Shabaab ugu yeereen degmada Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayan ugu tageen.
Faraquute oo ka mid ah Milkiilayaasha mid ka mid ah Garoomada Kubada Cagta ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in ila iyo hadda aysan ogeyn sababta garoomadooda loo xiray lakin iyagu ay qaateen amarkii ka soo baxay Al-Shabaab.
Tallaabadaan ay Al-Shabaab ku xireen Garoomada Kubabada Cagta ee duleedka Muqdisho sida Ceelasha Biyaha iyo Lafoole weli dowladda Soomaaliya kama hadlin,waxana u imaanaya xili ay soo baxayeen warar sheegayay in Al-Shabaab ay amreen in la xiro Garoomada Kubbada Cagta ee degmooyinka Yaqshiid Hurwaa iyo Deeyniile.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Milkiilaha.