War qoraal ah oo ka soo baxay hoggaanka Sare ee Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday Shabeellaha Hoose lagu dilay Wakiilkoodii Gobolka Baanaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal ).
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ummadda muslimiinta ah looga tacsiyeynayo geeridii Wakiilkii Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa horay waxa ay u sheegeen  in duqeyn ka dhacday deegaanka toora tooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal,Wakiilkii Al-Shabaab ee Gobolkaan Banaadir.