Dad la aminsan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalamaaysha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin Magaalada lamu ee gudaha dalkaasi Kenya.
Weerarkaan oo u muuqday mid qorsheysan ayaa yimid Maalin kahor markii Madaxweynaha dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay in Ciidamada Kenya ay weeraraan  meelkasto oo ay  ku arkaan rag ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiil k tirsan dowladda Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarkaas lagu qaaday Saldhig Ciidamada Booliiska Kenya ku leeyhiin deegaanka lamu,in kastoo aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari,waxayna taasi keentay in ay cabsi soo wajahdo qaar ka mid ah Shacabk Kenya ee ku sugan gobolka Waqooyi Bari