Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado kooban qaatay oo waaberigii hore ee saakay ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa markii hore ka dambeeyay,kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin gudaha  Degmada Jalalaqsi,isla markaana waxaa intaas kadib xigay dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.
Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Mire Xuseen Siyaad oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Al-shabaab dagaal ku dhifo ka dhaqaaq saakay ay kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti degmadaas,kaasi oo dhacay xili Saacadu ay aheyd waqti hore .
Sidoo kale waxaa uu xusay Mire Xuseen Siyaad in weerarkii shabaab kaga yimid ay iska difaaceen,isla markaana wax Khasaaro ah uusan geysan.
Dhinaca kale war qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarkii ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Jalalaqsi waxyeello ay ku gaarsiiyeen Ciidamadii ay weerareen.