Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saakay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda  Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaas.
Weerarka oo ahaa mid ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliin ee duleedka Marka,waxaana intaasi xigay dagaal xoogan oo dhexmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo Ciidankii ku sugnaa Saldhiga.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in Al-shabaab ay weerar dhowr jiho kusoo qaadeen deeganka Ceel-Saliin,isla markaana ay maqlayeen jugta rasaas culus oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac.
Weerarka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab,In kastoo aan si dhab loo ogeyn inta uu la egyahay.
Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen Saldhigii Ciidanka dowladda ay ku hayeen deegaanka Ceel-Saliin ee duleedka Marka,isla markaana ay dileen Askar badan oo ka tirsan Ciidankii halkaas ku sugnaa.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay ilaa 6 gaadiid iyo hub oo ay ku qabsatay dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Ceel-Saliin ee duleedka Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.