Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab saakay waaberigii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen deegaanka Goof-gaduud,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Weerarka qaraxyada ka dib ayaa waxaa ka bilaawday dagaal culus oo socday mudo ku badan Saacad kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo dagaalamayasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Dadka deegaanka Goof-gaduud ayaa waxa ay sheegeen in Al-shabaab saakay dhowr jiho Magaalada ay kasoo galeen,isla markaana ay la wareegeen fariisimihii Ciidamada Dowlada ay ku lahaayeen deegaanka  Goofgaduud,
Weerarka ku bilaawday qaraxa ee  saakay lagu weeraray deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,balse aan la xaiijin Karin inta uu la Egyahay .