Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo weerar Culus saacadihii lasoo dhaafay ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya.
Weerarkaan ayaa waxaa uu sigaar uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Goorisa oo hoos-yimaada Magaalada Gaarisa, waxaana halkaas Saldhig Ciidanka ku leh Ciidanka ka tirsan Kenya, iyadoona weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaal kooban uu dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Saldhiga Ciidanka ay ku leeyihiin deegaanka Goorisa.
War qoraal ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in weerarka lala beegsaday Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa loo yaqaan KPR oo ah ciidamo ay dowladda Kenya ay sheegeen inay u adeegsato in lagu dhibaateyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka lagu burburiyay saldhigga ciidanka Kenya Goorisa iyo Gaari melleteri oo dhax-yiilay, In kastoo aysan shaacin Khasaaraha rasmiga ah ee weerarka ka dhashay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkii ka dhacay deegaan duleedka ka ah Magaalada Gaarisa ee lagu qaaday Saldhig ay ku sugnaauyeen Ciidankooda.