Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab weerar dhowr jiho ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qoonaani oo kamid ah deegaanada hoos taga degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Qoonaani la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ay dareemeen Cabsi.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaas, In kastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.
Al-shabaab war qoraal ah oo barahooda Internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Qoonaani.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowlada Kenya oo ay uga hadlayaan weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidankood ay ku sugnaayeen, kaasi oo ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose.