Wararka aan ka heleyno deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saldhig Ciidanka daraawiishta Puntland ku leeyihiin halkaas ay Al-shabaab ku qaadeen weerar loo adeegsaday Madaafiic xoogan.
Dadka deegaanka Af-urur ayaa soo weriyey in tirro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen agagaarka Saldhiga Ciidamada Puntland ee deegaankaas, kadibna la malqay rasaas farabadan oo isku dhacday, wallow markii dambe xaaladda si caadi ah ku soo laabatay.
Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa dhankooda la tilmaamay inay Jawaab ka bixiyeen Madaafiicda ay kusoo tuureen rag hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo aan la ogeyn halka ay weerarka kasoo qaadeen.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Madaafiicda, halka Saraakiil ka tirsan Puntland ay sheegeen in wax khasaaro ah uusan geysan, ayna wadaan lagu xaqiijinayo amniga ka wadaan deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.
Al-shabaab iyo Daacish ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan sidaan oo kale ugu qaaday Saldhigyo Ciidamada daraawiishta Maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari iyo deegaano kale.