Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysa oo ka tirsan Al-shabaab ay xalay sadqii dhexe weerar ku qaadeen deegaan ku yaalla halkaas.
Weerarkan ayaa la sheegay inuu sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Kamuthe oo qiyaastii 40 KM u jira Magaalada Gaarisa, waxaana la tilmaamay in ragii weerarka soo qaaday goobta ay ka baxsadeen.
Warbaahinta Maxaliga ee dalka Kenya ayaa warineysa in Al-shabaab ay weerara ku batilmaameedsadeen Macallimiin wax ka dhigayay deegaanka Kamuthe, Saldhig Boolis, anteenada Shirkad Isgaarsiineyd iyo dhakhaatiir halkaas ku sugnaa.
Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Kamuthe ee qiyaastii 40 KM u jira Magaalada Gaarisa, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Kenya.