Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab dagaal Culus uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolkaas.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab ay weerar dhaba-gal ah ku sameeyeen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM xili ay socdaal ku marayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Buula-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Intaasi kadib ayaa waxaa Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab dhexmaray dagaal xoogan,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,in kastoo aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha inta uu la egyahay.
Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaayo Ciidan ay ka wadaan deegaano hoostaga Degmooyinka  Buula-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka ayaa dhawaan Gobolkaas uga dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab,kaasi oo ay ku doonayaan in  shabaab ay uga qabsadaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.