Sacadihii lasoo dhaafay deegaan ka tirsan Gobolka Lamud ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah, sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.
Rag hubeysan ayaa weerarka ku qaaday gaarigaas xili uu mararay wadada xiriirisa Magaalooyinka Gamba iyo Witu ee Gobolka Lamud ee dalka Kenya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku geeriyooday saddex ruux oo kamid ahaa dadkii gaariga la socday, waxaana halkaas ka baxsaday ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday.
War qoraal ah oo lagu daabacay warbaahinta Al-shahaab ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarka ka dhacay Gobolka Lamud, iyagoona sheegtay in weerarka la beegsadeen Afar gaari Basas ah oo ka yimid Mombaasa kunasii jeeday Laamu.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay inay kala saareen dadkii la socday gaadiidka, isla markaana qaar ay sheegeen inay Muslimiin ahaayeen lasii daayay, halka Afar kale oo ay ku tilmaameen Kirishtaan Kenyaati ah la dilay.
Si kastaba Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in weerarka ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Gamba iyo Witu ee Gobolka Lamud lagu dilay Saddex ruux oo la socday gaariga la weeraray, iyagoona sheegay inay ciidamo fara badan geeyeen goobta uu weerarku ka dhacay.