Kadib markii Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA xalay ay soo Bandhigtay Fanaan sheegtay inuu ka tirsanaa Kooxda Fanka ee G/Banaadir, sidoo kalena Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyada ayaa waxaa arrintaas War kasoo saaray dagaalamayaasha Al-shabaab.
War qoraal ah oo lagu faah faahiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in warkii xalay kasoo baxay Hay’adda NISA ee ahaa in gacanta lagu dhigay Fanaan ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir lana shaqeynayay Al-shabaab uu yahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Fanaanka lagu magacaabo Abshir Gaarane Axmad uusan ka tirsaneyn Al-shabaab, kaasi oo muuqaal laga soo duubay ku sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab una qaabilsanaa dhanka xuuraanka iyo maaliyadda, isla markaana uu ka howlgeli jiray Muqdisho.
“Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay baraha Bulshada ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Al-shabaab ama la shaqayn jiray†ayuu yiri Sarkaal u hadlay Al-shabaab.
Si kastaba Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in lasoo qaabtay Fanaan Abshir Gaarane, kaasi oo qirtay uu la shaqeyn jiray Al-shabaab una qaabilsanaa dhanka xuuraanka iyo maaliyadda.