Alshabaab ayaa caawa war ka soo saartay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca badan geystay ee Sabtidii ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho,sidoo kalana waxa ay bidhaamiyeen cidda ay la damacsanaayeen.
Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo soo duubay fariin cod ah oo soconaysay 24-daqiiqo iyo 27-ilbiriqsi ayaa aad waxa uu uga hadlay weerarkaas,waxa uu sheegay Afhayeenka Alshabaab in weerarka lala damacsanaa kolonyo la socdeen saraakiil Turki ah iyo ciidami Soomaali ah oo maraysay Ex-koontarool isla markaana uu khasaare lixaadle Ka soo gaaray sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kalana waxa uu soo hadal qaaday khasaaeaha soo gaaray dadkiishacabka ahaa ee marayay halkaas,isaga oo tilmaamay in uu u tacsiyaynayo Ehladooda shegayna in waxa uu ugu yeeray cadawgu ay ku xanibeen Koontaroolka sidaasna uu khasaaruhu ku dhacay.
Cali Dheere ayaa Khudbaddiisa u sheegay in aysan raali ka aheyn daadinta dhiigga dad shacab ah hase’ahaatee aad uga xunyahay khasaaraha nafta iyo maalka leh ee ka soo gaaray qaraxii weynaa ee ka dhacay halkaasi.
Turkiga ayuu ku eeedeyay in ay yihii waxa uu uvu yeeray cawad ku soo duulay Somalia isaga oo intaas sii raaciyay in ay dan gooni ah ka leeyihiin dhismaha wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Hadalkaan ka soo yeeray Alshabaab ayaa ku soo beegmaya xili hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay shaacisay in madaxda dowladda ay u gudbisay warbixin hordhac ah oo cadeynaysa in dal shisheeye uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay EX-koontarool Afgooye waloow aysan shaacin magaca dalkaas.