Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sarkaal ay sheegeen inuu ka tirsanaa Ciidanka dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu kasoo goostay Maamulkaas, uuna isku dhiibay Shabaabka.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Mustaf Xasan Axmed Aadan ayaa waxaa ay Al-shabaab ku soo bandhigtay deegaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool, iyagoona sheegay in Sarkaalka uu xil sare ka haayay Koonfur Galbeed.
Warar ay barahooda Internet-ka ku faafiyeen Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in Mustaf Xasan Axmed uu iska dhiibay degmada Xudur, kaasi oo kusoo tababartay Bardaale, laguna soo dhaweeyay halkaas.
Sidoo kale waxaa ay intaas kusii dareen in Sarkaalka markii dambe loo gudbiyay degmada Buula-fuulay, isla markaana uu balan qaaday in wax wada shaqeyn ah uu la yeelan doonin Koonfur Galbeed, waa sida hadalka ay u dhigeen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Sarkaalka ay soo bandhigeen Al-shabaab oo ay sheegeen inay kasoo goostay Maamulkaas.